Xalay gelin dhaxaadkii jirkoo uunku dheelmay
Dhawaaqii habiinimo warkii dhediga iidiiday
Taleefoonadii soo dhiciyo dhiiladiyo ciilka
Waa waxey dheguhu ila qarxeen dhimasho yeel keede
Warkeygoo dhamaystiran hadaan weliba kuu dhiibo
Yartii aan hablaha dhaafsaday ee gooni ugu dhaatay
Yartaan dhaawaceedii waxbadan samo kadhuubnaaday
Meherbaa kudhacay gaaridaan dhowrajiray waaye
Ayaduna cid ima dhaafsateen waa shay dhabahe
Waxse aramidaa dhigay gobaad waalidkii dhalaye
Dhalaanimo jacaylkii ihelay calaf kadheereeye
Qadar dhacay dharaarahan isrogay waa wax dhumuc wayne
Dhacdo hore xasuusteed hadaan weiba kuu dhiibo
Dhashii reer garaad baa tohoo magaca dheeraaye
Dhirtu way magooshaa hadaad saarto dhaayaha e
Dhigaa lama sinide waxaa utahay duhur dharaareede
Sahro dheemaney hooyadaa waa udhow dahaye
Dhal gobeed waxaa tahay hablaha dhaqashadoodiiye
Siada dhool gu baa uga murtee dumar dhamaantoode
Adigay gayaankaa dhamaan kuu dhugtamayaane
Sida dhayman iyo luul aadaa leesu dhaarsadaye
Hayeeshee dhamayse talaan kuu docdhabayaahe
Dhismo guri markay jooto iyo nolosha dhuuxeeda
irmaaneeyihiyo looma dhaxo dhuuni qaataha e
rag waxaa xigaal laga dhigtaa kii dhigaagaahe
dhaldhalaalka lama raaco iyo dheefta xoolaha e
dhab u fiirso waa hadal abwaan dhihitinkiisiitye
adigoo dhalaanoo dugsiga hoose dhiganaaya
dhabtii hooyadaa iyo adoo dhaafin gurigiina
dharaartaan oraahdaa ku iri weliba kuudaartay
adiguna markaad labada dhinac wacaka iidhiibtay
axdigaynu meel dhiganayaan dhowrayaa weliye
dhayeel heesimaaye jaceyl laygu kaa dhararye
xiiso aan dhamaanayninbaa deega lay suraye
nudaha dhiiga qaadiyo jirkaad iiga dhowdahaye
dhararkiyo hanaankiyo xubnaha leysku wada dheehay
dhaxd madaga qoortaada dhilan dheeha midabkaaga
dhabankaaga xaada leh ilkaha dhuuxa ka cadaaday
hadalkaaga aan laga dhegayn bil iyo dheeaadka
qurux loo dhameeyey naftaad dheygag gelisaaye
Ana dhaawacii caashaqaan dhuubtay maalmahane
Dhafooradu waxey ila goteen maahan dhalan teede
Dhaki iyo maryahi ina cabday wayga dhacayaane
Jacylkii dhabtaahay
anaa waarka laydhigaye
Dheeldheeli mooye xarago dhigay warkeediiye
Dhan dhanaansi mooye cuntona layma soo dhiga e
Kuma dhaafi karayee naftaad dhaygag gelisaaye
Adaan kaa dhursugayaa ilaa iilka ladhigae
Dhegwayntiyo nimaan caashaq helin waa la dhalanteede
dhayeel ha uamleeyaan in dhalan wadaagnaaye
dhimashada horteed aadamuhu ha idaliilaahe
markii iilka laydhigo nafluhu ha igu dhaateene
dhaliln yaradu caashaqaan ihelay ha isu dhibaane
ubax iyo caleen hay dhigan dheexa abidkoode
qofkastoo dhagaystaa murtidaan dhaygag how go e
hayeeshee dhibaatada cishqigu wey gun dheertahaye
in kastoyna dhaayuhu arkayn caawa dhabankaaga
dhamaysay sidaan ahay nin ogi ima dhaliileene
dhaqaaq ogoortaan arkaan weli dhwaaqaaye
dharirirkiyo hanaankaad laheed dheexa ma ilaawo
dhaxda madaga dhaayaha in dhaha dhaaxa ma ilaawo
xubnhaaga wada dheeman kaa dhaaxa ma ilaawo
dhankaaga xaadii kutiil dhaaxa ma Ilaawo
dhal dhalaalka midabkaad laheed dheexa ma ilaawo
dhoola kaqosolkaadii wacnaay dhaaxa ma ilaawo
daymadaadi aa laga dhergayn dheexa ma ilaawo
hadba dhiiira gelintaad laheed dheexa ma illawo
qadar dhacay dharaaran isrogay waa wax dhumuc wayne
waxba yaan xasuus iyo udhiman dhaawac igu yaale
dhabeel dumar hadii ay jirtiyo gaari lagu dhaarto
dhiig joojintii cashaqiyo dheemanbaa tahye
intaad iidhawayn iyo intaad joogtay dhinacayga
dhaxantiyo cadceediyo shidada waan kadhowrsadaye
dhufayskii xumaantaad eheed dhib iyo leeleele
oo weiba ii dhega nugleed kun iyo dheeraade
subxaankaan kudhaartee adaan dhaafin wacad kiiye
sagaley umuuraa dhacee dhowro gurigaaga
samirbaa gargaar laga
dhigtaa dhowro gurigaaga
nacabkaaga ha udeelinine dhowro gurigaaga
dhinacyada ducaan kuusuree dhowro gurigaaga
calafkaa is kayn dhaafiyee dhowro gurigaaga
0 Comments