MAXEY KA YIRAAH DEEN QUR, AAN KA IYO SUNNAHA WAKHTIGA?











 Hadii eynu qur,aanka iyo sunnaha mudnaanta koodbaad siino oo aynu maqaalkayna hordhac uga dhignowaxa eynu soo qaadan doonaa aayadaha  qur,aanka ah ee uu ilahay STW inoogu mana sheegtay.
Hadii aad  ayadahaas raad raacdo waxaad arkeysaa asigoo rabi inoogu mana sheeganaayo  abuurista cirka, dgulka, roobka uu samada kasoo dejiyo iyo miraha uu dhirta innooga soo saaro.

waxaa kaleoo uu alle STW inoogu mana sheeegtay inuu inoo sakhiray wabiyada, badaha, cadceeda, dayaxa, habiinka, iyo maalinta .
         Habiinka iyo maalintan ku jirta wax yaabaha laynoogumana sheeganaayo ayaa ah wakhtiga eynu ka hadleyno mana sheegashadaasina waxey cadeynaysaa  oo ay marqaati utahay iimaha wakhtiga leeyahay.

sidookale wakhtiga qiimuhuu leeyahay waxaa dareemi kartaa marka aad aragto iyada oo alle ku dhaaranaayo .
Waxa uu alle ku dhaartay habiinka, maalinta , waaberiga, subaxa, barqada iyo qorax-dhaca .
                    

                     Qur,aan ka maxow kayiri wakhtiga 


         Hadii aynu ku horeyno aayadaha uu ilahay ugu manno sheegtay adoomihiisa wuxuu yiri:

"Waxaan idiin laylinay habeenka iyomaalinta,cadceeda iyo dayax,xidiguhuna waxey kulaylanyihiin amarkiisa arinkaasna calaamdooyinbaa ugu sugan cidii wax kasaaya oo caq;li usaaxiiba "(suratul al-naxli ayada 12 aad.

                  Sidoo kale waxaa kale  oo uu alle yiri

"Waxaanu ka yeelay ahbiinka iyo maalinta labo calaamadood " surratu israa ayada 12 aad."
        Aaydaha  uu alle innogu mana sheegtay intan kaliya kuma koobna  ee wey ka badan yihiin haseyeeshee adeynu labo aayadood ku kaaftoono , bal markaana aynu ugudubno aayadaha ka waramaayo wakhtiga siduu ugu dhaartay : allah STW wuxuu yiri

 
''Waxaan ku dhaartay habeenka markuu wax daboolo iyo markey maalintu muuqato (ifto)"surratu al-Layl  Aaydaha 1-2 aad.

 " Waxaan ku dhaartay  habeenku markow jeesto iyo subaxdu iftiinto " surratu mudasir aayada 33-34

" waxaan ku dhaartay midabka qorax dhaca  iyo habeenka  iyowuxuu qariyo" surratu inshiqaaq  ayada 16-17 aad
  
Alle wuxuu ku dhaartay barqinka iyo habeenka markuu  xasilo"surratu duxaa ayada 1 -2

 Sidookale waxow alle ku dhaartay tabanka cisho ee bisha xajka ugu horeyso (waa maalmaha ay ku jiro maalinta carafo )  Si surratu al fajri kucad tabanka cisho oo ah  ayaamaha ugu fadliga badan maalmaha aduunyda ' halka ugu ay habeenada ugu fadliga badan yihiin kuwa ugu dambeeya bisha ramadaan .

    Aayadaha qur,aanka ah ee innagu baraarujinaayo faaiidada  wakhtiga waxaan kusoo gaban gabaynayaa ayadaan aakhiro markay gaaladu illahay bar yayaan ee ey ka duraan sadaan ( codsadaan )
in uu naarta kasooro oo uu aduunyadii ku celiyo si ay camal wanaagsan usoo falaan  waxaa loogu jawaabi doonaa :

 "Miyaanaan idin cimrisiin in uu kuwaano qaato kii waano qaadan lahay " suuratu faadir aayada 37 aad 




                         Sunnaha  muxuu ka yiri  wakhtiga

Hadeynu intaa kaga gudubno  aayadaha qur,aanka  ah  oo aynu  ugudubno sunnaha rasuulka waxey katiri waklhtiga wuxuu kayiri nabiga N.N.K.H .

 Labo nimco wey moogan yihiin dadka intooda badani  waa caafimmadka iyo firaaqada ( jaaniska )
NNKH  waxa uu nabigu maalin maalamaha kamida  ladardaarmay nin  saxaabadiisa kamid ahaa isaga  asiga oo ku waaniyay nasteexo aad u qaali ah hadaba  taladii nabigeena waa tan ee sifacan u dhagayso  waxaadna ogaataa ninkaa uu nabigu waa ninaayay siduu talada nabiga ugu baahnaa si lamida in aad adigana ugu baahan tahay  xadiiskana waa kan :
Ibnu cabaas allah haka raalui noqdeee waxaa laga weriyay inii yiri:
         Wuxuu yiri nabiga NNKH asiga oo nin waa ninyaaya ka faaiideyso shan inta eysan shankale kuu imaan horteed .
dhalin yaranimadaada ka faaiideyso  gabow gaaga hortiis ,cafimaadkaaga kafaaiideyso cudurka hortiis, hodantinimadaada ka faaiideyso saboolnimadaada horteed fursadaha ka faaiideyso mashquulkahortiis, noloshana kafaaideyso geerida horteed .

      Bal waxaad ufiirsataa xadiiskaan kale oo uu nabigakaga waramaayo adoomaha dhamaantood maalinta qiyaamahasu,aalaha la waydiindoono iyo imtixaanka aan qofna kabaxsan doonin:  

       Kama dhaqaaqayaan adoomaha ilahay hortiisa maalinta qiyaamaha ilaa oo la waydiiyo afar arimood .
da,diisa wuxuu ku dhameeyay, dhalinyaradiisa waxow ku duugeeyay , cimrigiisa wuxuu kaga camal falay iyo hantidiisa meeshii uu kakeenay iyo meeshuu kubixiyay :"   

  Wax yaabaha maalinta qiyaame layna weydiin doono waxa ey su, aashiisu laba jeer soo noqoneyso waxaa kajira wakhtiga  oo kaliya .
mar waxaa layna waydiin doonaa cimrigeena guud ahaan  marna waxaa sigaar ah naloo waydiidoonaa dhaliyaranimada. waxaa kale oo halkaan inoogula cadeeyay qiimaha ey leedahay dhalinyaranimada  waayoo cimriga intiisa kale waa laga gaaryeelay iyada  oo si gooni ah ayaa iyada leesku su,aalaa , hadaba halkaas waxaa kacad wakhtiga qiimaha uu leeyahay  maadaama su,aashiisu laba jeer soo laabaneyso. waxa eynu kusoo gunaanadeynaa xadiiskaan :  

      Abuu-Hureyra waxaa laga weriyay in uu yiri NABI MOHAMED NNKH wuu u cudur daar dhameeyay ilahay STW qof uu cimrigiisa dib loogu dhigay ilaa uu kagaaro 60 sano  xadiiskaan hadii eynu sii daba galno oo aan macnihiisa si mug leh udhuuxno waxa uu nabiga NNKH waxa uu leeyahay .Hadii qofka illahay cimri siiyo ilaa iyo lixdan sano kagaaro waa loo cudurdaar dhameeyay, hadii uu intaas kafaaiidesan waayo oo uu dayaco aakhira wax uu ku andacoodo mahaysto sababtoo ah wuxuu soo maray wakhti uu dhalinyaro ahay daacada ilahayna uu si firfircoon ugudan karyay .
Hadii uu wakhtiga dhalinyaranimada mooganaan iyo ciyaar ku dhameystana waxaa ajashiisa dib loogu dhiga ilaa iyo inta uu ka gaboobayo   oo waxa uu noqday xili uu noqday waaya arag uu wax badan  soo joogay waxaana lasiiyay fursad uu kutoobad keeni lahaaa .

sidaasi darteed walaalayaan aan waqtiga ka faaiideysano  inta aan nahay dhaliyarada 
   

 wabihaali tow fiiq   

#gandhiyenews  
 23\2\20\24














Post a Comment

0 Comments